Milkiilaha Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea, Roman Abramovich, Oo Lagu Sumeeyay Kyiv?

Maal qabeenka saameynta siyaasadeed leh ee u dhashay dalka Ruushka, Roman Abramovich, iyo ergada reer Ukraine ee ka qayb qaadanayay wadaxaajoodka ayaa lagu soo warramay in la sumeeyay, kaddib markii ay la xanuunsadeen calaamado laga shakisan yahay in ay ka imaadeen sun lagu weeraray.

Arrintan ayaa dhacday xilligii ay wadahadallada labada dhinac socdeen goor sii hooreysay oo bishan gudaheeda ah, sida ay ku warrameen dhowr warbaahin.

Abramovich, oo uu wehlinayay ganacsade kale oo u dhashay Ruushka, ayaa ka qayb galay wadaxaajoodka, waxaana sidoo kale kula jiray xildhibaan kasoo jeeda Crimea oo lagu magacaabo Rustem Umerov.

Saddex ruux oo kulankaas uga qayb galay magaalada Kyiv intii u dhaxeysay 3-dii ilaa 4-tii bishan March ayaa lagu arkay calaamaaha sunta ka dhalata hubka kiimikada, sida lagu tebiyay warka.

Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal ayaa shaaciyay in dadka dhibanayaasha ah ay indhahooda casaan noqdeen, illin xanuun badanna ay si joogto ah uga socotay.

Maqaarka gacmaha iyo wajiga ayuu dubka ka kacay – balse waxay sheegeen in markii dmabe ay xaaladdooda soo hagaagtay, noloshooduna aysan khatar ku jirin.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo la kulmay Abramovich ayaan isku arkin wax calaamado sun ah.

Abramovich waxa uu ka mid yahay toddobo maalqabeen oo dowladda UK ay cunaqabateyn saartay bishan March, iyadoo tallaabadaas ay daba socotay dagaalka Ukraine.

Related posts

Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Gobolka Hiiran Ku Laayeen Xubno Badan Oo Alshabaab Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Maamul Goboleesyada Iyo Siyaasiyiinta Somaliya Maxay Ka Yidhaahdeen Raysal Wasaaraha Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Dayin Dhaliilo Culus U Jeediyay Koomishanka Fariina U Diray Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More