Ergada Ukraine Uga Qaybgalaysa Wada Hadalada Ay La Yeelanayaan Ruushka Oo Looga Digay In Ay Wax Cunaan Iyo Sababta

Ka hor inta aysan bilaabmin wada-hadallada maanta ee Istanbul, wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa kula taliyay qof kasta oo tagaya wada-xaajoodka Ruushka “inuusan wax cunin, waxna cabbin”.

Wasiirka ayaa arrinkan shaaciyay mar uu ka hadlayay telefishinka wararka Ukraine ee Ukrayina 24. Digniintan ayaa timid ka dib markii la tuhunsanaa in la sumeeyay bilyaneerka Ruushka Roman Abramovich iyo wada xaajoodayaasha Ukraine horaantii bishaan wadahadal nabadeed oo ka dhacay xadka Ukraine iyo Belarus.
Waxaa jira shaki laga qabo sumayn, waxaana sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa la sheegin ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay in sirdoonka uu sheegay in calaamadaha ay sabab u yihiin arrimo “deegaan” ah, ee aysan ahayn sunta.

Abramovich ayaa lagu arkay goobta uu wada xaajoodka ka socda, sawirro ay baahiyeen warbaahinta Turkiga ayaana lagu arkayay.

Related posts

Dhalinyarada Xaafada Saambeeriya Ee Bariga Borama Oo Deeq U Qaybiyay Dadka Danyarta Ah Ee Xaafadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Shaacisay In Ay Samata Bixin Karto Markabka Ku Xumaaday Marain Biyoodka Suways Ee Masar

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Fariin Adag U Diray Maamulka Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More