Deg Deg:- Baarlamaanka Somaliya Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Xukuumad Cusub

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Kulanka ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 188 Xildhibaan oo goor sii horreeysay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Golaha.

Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseeb Rooble, isagoona Xildhibaanada ka dalbay in Codka kasooniada ah siiyaan Golaha Wasiirada Cusub.

Intaas kadib Xildhibaanada Giolaha Shacabka ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda, waxaana u Codeysay 188 Xikldhibaan oo fadhiga soo xaariday, ma jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada Codeynta, waxaana uu shaaciyay in Golaha Wasiirada sidaas lagu ansixiyay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Faransiiska Oo Si Xoogan Ugu Olalaynaya Sidii Cunaqabatayn Dhaqaale Loogu Soo Rogi Lagaa Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Soomaaliya Oo Qaramada Midoobay U Gudbisay Qorshaheeda Isbedelka Cimilada

Bnnstaff Bnnstaff

Armenia Oo Eriday Wasiirkii Gaashaandhiga Baadi Goobaysana 24 Askari

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More