Madaxwayne Putin Oo La Sheegay In La-Taliyeyaashiisu Ay Marin-Habaabiyeen

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay marin-habaabiyeen la taliyeyaashiisa oo aad uga baqaya inay u sheegaan saameynta ba’an ee dagaalka Ukraine.

Waxay sidoo kale ay sirdoonka reer galbeedka sheegeen in madaxweyne Putin aan loo sheegin saameynta dhabta ah ee cunaqabateynada ku yeelan karaan dhaqaalaha Ruushka, sida uu aqalka cad sheegay.
Aqalka Kremlin ayaan weli ka jawaabin warkan ka soo baxay sirdoonka dalalka reer galbeedka.

Afhayeenka Aqalka Cad Kate Bedingfield ayaa sheegtay in Mareykanka uu hayay war ah in Putin uu dareemay inay marin-habaabiyeen militariga taasna ay ka dhalatay xiisad joogto ah oo u dhaxaysa Putin iyo hoggaanka militariga.

Related posts

Maxuu Salka Ku Hayaa Socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolka Gedo?

Bnnstaff Bnnstaff

Wajaale:- Balay Gudhay Oo Ka Dibna Laga Helay Ceel Biyo Macaan Leh

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Culimada Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Dagaalka Ka Socda Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More