Ciidamo Gadoodsan Oo Xirtay Waddo Ku Taalla Duleedka Cadaado Iyo Sababta Keentay

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug oo gadoodsan ayaa barqanimadii Maanta xirtay wadada laamiga ee duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Ciidamada ayaa ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday saddex bil ee lasoo dhaafay, isla markaana sheegay in aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, iyagoona maanta Jid-gooyooyin ku xiray wadada laamiga ee duleedka Magaalada Cadaado.
Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Ciidamada gadoodka sameeyay ay muddooyinkii dambe fariisin ku lahaayeen deegaanka baxdo, ayna halkaas iskaga soo baxeen, ka dib markii ay sheegeen in mushaarkii ay ka jaratay Madxtooyada Galmudug.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Saraakiil ka tirsan Ciidamada daraawiishta Galmudug ay wadaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in Ciidankaas dib loogu celiyo fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Baxdo.

Dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug u xirteen waddooyin muhiim ah, iyagoo ka gadoodsanaa Mushaar la’aan soo wajahday, wallow markii dambe xal laga gaaray arrintaas.

Related posts

Sheekh Shariif:- Madaxwayne Wixii Hore Waan Ka Cafinee Doorashada Banaanka Soo Dhig

Bnnstaff Bnnstaff

Masar Oo Ciidamo Iyo Diyaarado Dagaal U Dirtay Sudaan Oo Xuduud La Leh Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Uk Oo Ka Hadlay Doorashadii Somaliland Kuna Baaqay In Cabdikariin Mooge Loo Doorto Maayirka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More