Borama News Network

Dowlada UK oo Soomaaliya si buuxda uga cafisay guud ahaan deymihii ay ku lahayd.

Dowladda Biritan ayaa waxay Soomaaliya si buuxda uga cafisay deymihii taariikhiga ahaa iyadoo la dhammaystiray hindisaha dalalka saboolka looga cafinayo daymaha ee HIPC.

Tillabadan oo looga golleeyahay in uu Soomaaliya ka caawiyo galaangalka ay u yeelaneyso haya’adaha maaliyadda dunida, si ay u soo jiidato maalgashi caalami ah oo ka qaybqaata kobaca dhaqaalaha, iyo dhismaha Soomaaliya ammaan iyo xasilloon.

Ku-xigeenka safiirka UKSam Thomas ayaa arrintan shaaca ka qaaday ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshayWasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige.

“Maanta waxaan u xaqiijiyey Wsiirka Maaliyadda Biixiin, UK cafisey 100% qantii ay ku lahayd Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Danjire Thomas ku faafiyey barta X ee safaaradda UK ee Soomaaliya.

Wasiirka MaaliyaddaSoomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay go’aanka UK.

Related posts

“ Taariikhda May Dhicin In Xukuumad Ay Ka Hor Yimaadaan 70 Xildhibaan “ Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Magacaabistii Anwan Sinwaar oo markale gilgishay Israa’iil iyo Xulufadeeda

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Turkiga oo marti qaad u fidinaya dhiggiisa Suuriya si loo soo celiyo xiriirkii labada dal

Abdiaziz Bnnstaff