Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Oo Ka Badbaaday Isku-Day Mooshin Xilka Looga Qaadi Lahaa

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Pakitan ayaa hor istaagay Mooshinka kalsooni kala noqosho asagoona ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Imran Khan, oo khudbad u jeediyay shacabka maanta oo axad ah ayaa sheegay in uu kula taliyay Madaxweyne Arif Alvi “inuu kala diro golayaasha”.
Ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaaraha ayaa timid daqiiqado kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Qaasim Suri, oo shir guddoominayay kalfadhiga maanta, uu meesha ka saaray mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaare Imran Khan, isagoo ku tilmaamay mid khilaafsan qodobka 5-aad ee dastuurka dalka Pakistan oo sheegaya in daacadnimada qaranku yahay waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadin kasta.

Dawladdu waxay ku andacoonaysaa in mooshinka kalsooni-la’aanta ah ee ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha uu ahaa “shirqool shisheeye ay maalgelisay”, iyada oo tixraacaysa ‘warqad halis ah’ oo laga helay waddan ajnabi ah oo loo soo mariyey safiirka Pakistan, oo lagu codsanayo in la rido PM Imran.

Waxaa maalmihii u danbeyay aad u kacsaneed siyaasada dalka Pakistan iyadoo magaalada islamabaad ee caasimada dalka Pakistan ay ruxayeen banaan baxyaal kala taabacsan xisbiyada mucaradka ah iyo xisbiga hada talada haya.

Related posts

Afar Tiir Oo Uu Ku Dhisan Yahay Wada-Xaajoodka Ku Saabsan In Soomaaliya Ay Ku Biirto Ururka Bariga Afrika Ee EAC

Bnnstaff Bnnstaff

Sooran Sugule oo Goor dhawayd ku geeriyooday Magaaladda Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Wargeys Soo Bandhigay Canshuurta Uu Bixiyay Trump Sanooyiinkii U Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More