Meydka Gabadh Yar Oo Si Arxan Darro Ah Loo Dilay Oo Laga Helay Magaalada Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta xaafad ka tirsan Magaaladaas laga helay Meydka gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay.

Meydka gabadha ayaa lagu arkay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana waxaa dad dul tegay Meydka ay sheegeen in wejiga Gabdha ay ka muuqdeen dhaawacyo Culus oo loo geystay.
Sidoo kale dad ku sugan Boosaaso ayaa ku warramay in weli la aqoonsan yahay Meydka gabdha yar ee la helay, waxaana la geeyay Isbitaalka guud ee Magaalada, iyadoona halkaas ay tageen boqolaal qof oo doonayay inay arkaan Meydka gabadha.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dilka loo geystay gabadha yar oo kamid aheyd dadka deegaanka, ilaa iyo haddana lama oga sababta loo dilay, halka wax loo adeegsaday falkaas.

Dadka deegaanka ayaa Maanta aad u hadalka haaya dhacdadaan, waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen inay ka xun yihiin falka dhacay, sidoo kalena laamaha amniga Puntland ugu baaqay inay baaritaano deg-deg ah sameeyaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Waxba Nagama khuseeyaan Xidhiidhka Ay Dowladda Soomaaliya U Jartay Kenya” Wasiir Jananka Baxsadka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeele Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More