an iyo markii Hay’adda NISA ay barta twitter-ka ku daabacday qoraal lagu sheegay inay heleen xog ku saabsan weeraro qorsheysan oo Al-Shabaab la damacsan yihiin Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka dhashay fal celin kala duwan.
Hoos Ka Akhriso Xildhibaannada & Siyaasiyiinta ka fal celiyay Qoraalka NISA.
Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Golaha Shacabka
Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday!
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa
HADALKA NISA:
KHATAR AAN LA YARAYSAN KARIN
SHantii sano oo lasoo dhaafay iyo wixii gaboodfal dhacay, (wixii sharci iyo nidaam Dawladeed la dumiyey, wixii dad cadow loo dhiibay, la dilay iyo wixii jaah-areer la abuursy) Hal ujeeddo uun ayaa FARMAAJO ka lahaa oo ah in maanta oo kale iyo dhamaadka muddo-xileedkiisa ” uu beerto geed gaar ah oo isugu leeyahay, ama uu dejiyo shax gaar ah oo kelidiis u suurtogelinaysa inuu xafiiska gar iyo gardarroba ku joogo”.
Odayga dhamaadka maalmihiisu uma eka sidii uu ugu talogalay oo shan sano u qorshaynayey. WAX WALBA WAA KA SUUROOBAAN!
Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Xildhibaan hore Axmed Macalin Fiqi
Weeraro qorshaysan oo Argagixisada loo tiirinaayo, laakin u muuqda kuwa gacmihii dilaayadu ay maleegayaan! Hey’addii Sirdoonka ee umadda amnigooda in ay sugto ay ahayd ayaa u dhaqmaysa sidii idaacadihii..
Waa qoraal caddayntiisa wata in ay jiraan weeraro saacadaha & maalmaha soo socda la rabo in la fuliyo, Argagixisadana dhabarka loo saaro! Waana mid looga gol leeyahay qalqalgelinta doorashada iyo cabsi- gelinta xildhibaanada cusub iyo musharixiinta madaxweynaha.!
Ma jiro ciidamo amni oo la isku hallayn karo, sidaas awgeed RW Rooble iyo mas’uuliyiinta kale ee weeraradaan lagu beegsan karo waa in ay adkeeyaan amnigooda, soona badsadaan ciidamada ay heystaan! Nin walowba naftaada, nin walowba amnigaada!.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaan weli ka hadlin warkaan kaso baxay NISA ee ah in Al-Shabaab ay qorsheeyeen weeraro lala beegsanayo Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha.