Ex Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Ka Hadlay Digniinta Ka Soo Baxday Haayada Sirdoonka Somaliya

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo marar kala duwan soo noqdey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Laga Dalbaday In Ay Boqor Buurmadaw U Soo Dhiibto Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Mudaharaada Mucaaridka Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Dimoqraadiga Maraykanka Oo Ku Guulaystay Labada Kursi ee Aqalka Senatka Gobolka Goergia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More