Ex Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed “NISA Waxay Cabsi Galin Ku Haysaa Madaxda Qaranka”

Iyadoo Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ay soo saartay digiin culus oo ku aaddan in Al-Shabaab ay diyaariyeen qorshe lagu qaarijin rabo Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Waxaa uu ku eedeeyay Hay’adda inay waddo marin habaabin iyo cabsi galin xooggan oo ay ku hayso madaxda dalka.

Waxaa uu baaqay Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Hoos ka akhriso Qoraalka Shariif Sheikh Axmed

Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.

Sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.

Related posts

Ruushka Oo Ciidamo Nabad Ilaalin Ah U Diray Gobolka Ay Ku Dagaalameen Arminiya Iyo Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Maanta Hortegaya Golaha Shacabka Somaliyeed

Golaha Wasiirada Somaliya Oo Amar Ku Bixiyay In La Soo Celiyo Ciidamadii La Geeyay Baladwayne

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More