Borama News Network

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Booqasho Ku Tegay Safaarada Imaaraadka Carabta Ee Muqdisho Iyo Sababta Booqashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Qaabkii Ay U Dhacday Xilka Qaadistii Maayirka Borama Iyo Doorashada Maayirka Cusub

Daawo Xogo Xasaasiya Oo Laga Soo Sheegayo Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Xasan Sheekh Iyo Anjandayaal Qorsoon Laga Wada Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff