Borama News Network

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerarka Dadku Ku Dhinteen Ee Ka Dhacay Dalka Australia

Nin ayaa la toogtay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad badan mindi lagu weeraray xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada Sydney ee Australia, taasoo keentay jawaab celin weyn oo booliis.

Dad aad u badan ayaa la arkayay iyagoo ka cararaya suuqa Westfield ee ku yaal isgooyska Bondi waxaana warbaahinta maxalliga ah ay soo warisay in dhowr qof ay dhinteen.

Booliisku waxay sheegeen in dhacdo halis ah lagu dhawaaqay ka dib toogashada nin wax yar ka hor 16:00 wakhtiga maxaliga ah ka dib markii la soo sheegay dhowr weerar oo mindi ah.

Dhacdadan ayaa weli socota, waxaana dadka loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobta.

Goobta ayaa laga qaxay, waxaana baraha bulshada lagu arkayaa sawirada gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa booliska oo goobta ku sugnaa.

Sawirro sida muuqata goobta laga soo qaaday ayaa u muuqda in ay muujinayaan khasaare kala duwan iyo sidoo kale nin watay mindi weyn.

Ambalaaska New South Wales ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in hal nin oo la rumaysan yahay in uu ahaa kan wax weeraray ay booliisku toogteen.

Related posts

Maxamed Abiib Inta Danbi Lagu Soo Eedeynayo Ha Lagu Eedeyo Maxamed Kaahin, Nuux Tani, Xirsi,” gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waabari

Abdiaziz Bnnstaff

Codka Xariirad Intii Aan Codka Saajin Siinin Aniga Ha Isiiyaan Oo Codkii Xariirad Sidaas Ha Ku Dhamaado” Madaxwayne Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Aabaha Dhalay Abwaab Abdiraxman Abees Oo Sheegay In Uu Isagu Xidhay Wiilkiisa Ee Ayna Xidhin Dowladu Iyo Booliska Oo Ka Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff