Dowladda Somaliya Oo Sheegtay In Howlgal Lagu Dilay Sarkaal Katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanka Shaam Gare oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno kagirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay Sarkaal katirsanaa Ururka Al-Shabaab oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xasan Deyr caana ka ahaa degaankaas.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta Ciidamada ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dagaalama Ciidamada dowladda & Al-Shabaab kadib weeraro ay qaadaan Al-Shabaab ama markii Ciidamada dowladda ay howlgallo fuliyaan.

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Taageray Taalabada Aqbaalada Mucaaradka Ee Gudida Diwaangelinta Ururada

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Sheekeeyey Waxyaabaha U Qabsoomay Ciidanka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo War Ka Soo Saartay Shirka Ka Socda Magaalada Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More