Mareykanka Oo Lacag Wax Looga Qabanayo Abaarta Ugu Deeqay Dalal Ay Kujirto Somalia

Mareykanka ayaa ku dhaawaqay 114 milyan oo dollar oo uu ku bixinayo gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah si loo daboolo baahiyaha dadka ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, ee ay saameysay abaartu.

Soomaaliya waxay taageeradan dhaqaale ka caawin doontaa gargaar cunto ah lagu badbaadinayo in ka badan laba milyan oo qof bishiiba. Waxa kale oo loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo nafaqeynta iyo daawaynta carruurta da’doodu ka yar tahay lix sano.

Itoobiya, taageeradani waxay ku bixin doontaa gargaar cunto oo naf badbaadin ah, helitaanka biyo nadiif ah iyo sidoo kale taageerada caafimaadka. Dhinaca Kenya, kaalmadan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool woqooyiga iyo bari waxay qoysaska siin doontaa cunto iyo gargaar nafaqo oo loogu talagalay carruurta iyo hooyooyinka nafaqo-xumada hayso.

Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee bixiya gargaarka bini’aadannimo ee Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya, isagoo ku dhawaad 161 milyan oo doolar ku bixiyay guud ahaan Geeska Afrika tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedkan 2022.

Maraykanka wuxuu ugu baaqay deeq bixiyayaasha kale inay kusoo biiraan si loo kordhiyo gargaarkooda wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaarta sii xumaanaysa.

Related posts

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele Oo Shaaciyay In Uu Wada Hadal La Furayo Dadka Maamulkiisa Ka Soo Horjeeda

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaarihii Dalka Talyaaniga Oo Is Casilay Iyo Sababta Ka Damaysay Iscasilaadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Si Adag Ugu Jawaabay Murashax Cabdiraxmaan Ciro

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More