Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabay Wasiirka Wasaarada Gadiidka Somaliland

WAREEGTO MADAXWEYNE: 07 /04/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Related posts

Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Beeniyay Wararka Sheegayay In Xildhibaanada Cusub Ayna Xasaanad Lahayn

Bnnstaff Bnnstaff

Mid Ka Mid Ah Beelaha Dega Hargeysa Oo Ku Dhawaaqday Shir Beeleed Ay Qabsanayso

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Horyimd Xilka Qaadista Fahad Yaasiin Kuna Amray In Uu Shaqadiisa Siiwato

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More