Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Wasiirradda Maaliyadda Ee Dalalka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Carabta oo lagu qebtay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha Maaliyadda dalalka Carabta, horumarka la gaaray iyo caqabadaha jira.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale looga hadlaya fursadaha jira iyo iskaashiga dalalka Carabta ee horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa warbixin ka jeediyay shirka inta uu socday, isagoo xusay horumarka dowladdu ka sameysay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, Doorashooyinka iyo halka uu marayo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan ka qeyb galay Furitaanka shirka sanadlaha ah ee hey’adaha Maaliyadda Carabta oo lagu qabtay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Related posts

Magaalada Ceerigaabo Oo Laga Bilaabay Raafitaanka Dadka Ka Soo Jeeda Deegaanka Koonfurta Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xayiraada Xukuumadu Ku Soo Rogtay Telefishanka CBA

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Safar Deg Deg Ah Kaga Ambabaxay Magaalada Muqdisho Iyo Halka Uu Tegayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More