Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Tel Aviv Caasimada Dalka Isreal

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu Khamiistii rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel.

Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah.

“Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa soo gaaray qolka dhaawacyada ee isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen dadaal, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka.
Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.

Saacado ka dib weerarkan, boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Israa’iil iyo ciidamada gaarka ah ayaa baarayay xaafadaha bartamaha Tel Aviv, si ay u soo qabtaan ninka looga shakisan yahay toogashadan.

Sababta ka dambeysay weeraray ma cadda, hase yeeshee xiisad ayaa ka taagan Israa’iil kadib weeraro dhowr ah oo ay dhawaan geysteen Falastiiniyiinta oo ay ku dhinteen 11 qof.

Related posts

AFRICOM Oo Sheegtay Inuu Hoos U Dhacay Khasaaraha Shacabka Kasoo Gaari Jiray Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Somalia

Cajiib! Nin Calooshiisa Laga Soo Saaray Hal Kiilo Oo Masaabiir Ah Iyo Waxa Ku Kalifay

Bnnstaff Bnnstaff

Hindiya:- Gabadhii Aflagaadaysay Rasuulka (NNKH) Oo Dhibaato Kale Ay Soo Food Saartay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More