Midowga Afrika Oo Ku Gacan Seydhay Tallaabadii Raysal Wasaare Rooble Uu Dalka Uga Eryey Fransicso Madeira

Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa diiday tallaabadii Ra’iisl Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen uu dalka uga eryey Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya Ambasador Fransicso Madeira.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Musa Faki ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika ka walaacsan yahay Warqadii kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, waxay sheegeen inay kalsooni galisay warqadii Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo saaray 7-dii April, oo lagu cadeeyey in uu ka xunnyahay warqada tallaabada Rooble qaaday.
Guddoomiye Musa Faki ayaa waxaa uu intaas kusii daray inay dib u xaqiijinayaan kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, isagoo u mahadceliyay Midowga Afrika.

“Guddoomiyaha Midowga Africa, wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay dalkas u gaaro soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni warta” ayaa lagu gabagabeeyey qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka ceyriyey Fransicso Madeira oo lagu eedeeyay inuu ku kacay arrimo ka baxsan shaqadiisa, isla markaana waxaa loo qabtay inuu 48 saac gudahood uga baxo dalka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ka horyimid tallaabadaas.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Shiirka Shiinaha Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Sucuudiga Oo Balaayiin Dolar Ku Maalgashanaysa Dalka Shiinaha

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Mar Kale Somaliya Ku Eedeysay In Ay Siyaasadaysay Arimaha Xajka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More