Koox Hubeysan Oo Dil Ka Geysatay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geystay Askariga uu ka dhacay meel ku dhow Masaajidka Xasan Warsheekh ee degmada Kaaraan, wuxuuna Askariga u dhintay xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.
Askariga ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali Hiraabe, waxaana goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday dadkii dambeeyay dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Askariga, mana jirto cid la sheegay in loo soo qabtay dilkaas xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaaekood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan dabley hubeysan, waxaana inta badan dilalka ka dhaca Magaalada mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

Related posts

Booliska Dalka Mareykanka Oo Diyaaraddo Ku Raadinaya Wiil Soomaali Ah Oo La La’yahay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Ciidamo Badan U Dirtay Xaduudka Ay La Wadaagto Kenya Iyo Kenya Oo Walaac Ka Muujisay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ucid Oo Labo Garab U Kala Jabay Iyo Garab Ka Soo Horjeestay Heshiiska Isbahaysiga Ee Wadani Iyo Ucid

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More