Laammaha Amniga Oo Xabsiga Dhigay Ciidamo Loo haysto Shaqaaqo Ka Dhacday Marka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askar ka wada tirsan ciidanka dowladda oo shalay israsaaseyn dad ay ku dhinteen ku dhexmartay magaalada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeelllaha Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in xilligaan aan la aqbaleyn in la isku dilo aanooyin qabiil oo laga gudbay, isaga oo cadeeyay in baaris lagu bilaabay dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga isku rasaaseeyay Magaalada Marka hadda ay kujiraan Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da dhawaana ay ku eareejinayaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida si ay u billowdo dhageysiga Maxkanadeyn tooda.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa uga digay Ciidamada inay hubkooda u adeegsadaan Aano qabiil, isla markaana ay muhiim tahay in si Nabadgalyo ah lagu wada noolaado.
Is rasaaseyntii shalay ka dhacday Magaaaada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dhintay laba Askari oo katirsan Mabadsugoda Magaalada halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Related posts

Taliska Mareykanka Oo Sheegay In Muddo Kordhinta Ay Ka Weyn Tahay Dagaalka Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaa Jira Xildhibaanu Uu Cabdirisaaq Khaliif Hargeysa Dhigtay Oo Uu Rabo in ay” Cabdilaahi Dahab.

Bnnstaff Bnnstaff

Boorama Iyo Muqdisho Oo Iska Kaashanaaya Mashruucii Ugu Qiimaha Badnaa, Iyo Baaqa Ku Aaden Bulshada Soomaaliyeed.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More