Dhimasho Iyo Dhaawac Ka dhalatay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Garoowe

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii shil gaari uu Maanta ka dhacay nawaaxiga kantarool Waqooyi ee Caasimadda Garoowe.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Propox ah iyo gaari verossa sida ay muujinayaan Sawiro laga soo aaday goobta uu ka dhacay Shilka gaari, iyada oo sidoo kale uu burbur xoogan soo gaaray labada Gaari.

Dadka ku dhaawacmay Shilka gaari ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo kadib markii ay gurmad u sameeyeen Ciidamada ilaalada waddooyinka taraafikada iyo dadweyne goobta shilka ka dhacay ku sugnaa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhacay nawaaxiga kantarool Waqooyi ee Caasimadda Garoowe, waxaana shilalka digniin kasoo saaray Taliska Booliska Gobolka Nugaal.

Related posts

Sirdoonka Yuhuuda Oo Basaasayay Xogo Ku Saabsan Hubka Turkiga Iyo Ciidanka Turkiga Oo Gacanta Ku Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyneha JSL ayaa u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Siciid Xasan Habbane

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo LagWareejiyay Taliska Ciidanka NATO Iyo Sobobta Xiligan Turkiga Loogu Dhiibay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More