Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dagaalamyaasha Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.
Dagaal ayaa la sheegay inuu ku bilaawday weerar madaafiic ah oo ay Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor, kadibna uu qarxay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay labada dhinac.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay degmada.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, balse ma sheegin khasaaaha ka soo gaaray dhanka ciidamada Itoobiya, iyadoo xaalada goobtii lagu dagaalamay ay tahay mid degan.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar madaafiic ah ku qadaeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay