James Swan “Ma Jiro Qof Raba In Soomaaliya Ay Gasho Jahwareer Siyaasadeed”

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

James Swan oo la hadlayey warbaahinta Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay QM ay ka go’an tahay taageeridda Soomaalida iyo mustaqbalkaba, sidii loo qaban lahaa doorashooyinka dalka.
Waxaa uu sheegay James Swan in QM iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololeenayeen in Doorasho qof iyo Cod ka dhacdo dalka, hayeeshee taas ay suuragal noqon weyday, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen in la aado Doorasho dadban.

“Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay in ay doorato hogaamiyeyaasheeda” ayuu ku jawaabay Swan Su’aalo la weydiiyay. “Walow ay suurto gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weennahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Majiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed”

Ugu dambeyn waxa uu muujiyey in uu ka rejo weyn yahay in la fulin doono nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, taas oo ay ku jirto qoondada 30% ee Haweenka ku metelaya barlamaanka Federalka ah, iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista in ay noqoto mid ballaarisa, wuxuuna ku baaqay in habraaca xulista laga qeybgaliyo ururdada bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Dowladaha Xubnaha ka aha Dowladda Federalka ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Baarlamaanka Itoobiya Oo Soo Jeediyay In Xidhiidhka Loo Jaro Maamulka Tigreega

Bnnstaff Bnnstaff

Xasan Sheekh Oo Xadhiga Ka Jaray Masjid Weyn Salaadii Ciida

Mustafehaji

Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsi Hoose Dhexe Ee Ardaale Oo Tartano Kala Duwan U Qabtay Ardayda Duqsigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More