Raysal Wasaare Rooble Oo Fariin Hambalyo Ah U Diray Ciidanka Xooga Dalka Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyey u dabaal dega Munaasabadda 12-ka April oo ah aas aaska Ciidanka, iyadoo ay kasoo wareegatay 62 sano, maadama la aas aasay 12-kii April sanadkiu 1960-kii.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku hadlayay codka Shacabka Soomaaliyeed ayaa fariin hambalyo la wadaagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Xaasaskooda iyo Caruurtooda.

Mr Rooble ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku jiifaan Ciidanka, isagoo xusay in ay u yihiin gabaad iyo difaac.

“Anigoo ku hadlaayo Codka Shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin leeyahay Hambalyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed hambalyo idinka Xaasaskiina iyo Caruur tiina hambalyo, Shacabka Soomaaliyeed wuu idin ku jiifaa idinka ayaa u ah gabaad idinka ayaa u ah difaac waxaa idin leeyahay hambalyo hambalyo hambalyo” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, isana dhinkiisa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxaa uu fariin iskugu jirtay hambalyo iyo digniin u diray ciidanka qalabka sida ee xoogga dalka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ciidanka Xoogga dalka la wadaagay fariin iskugu jirtay hambalyo, Salaan iyo Boggaadin ku aadan Munaasabadda 12-ka April oo ah xiligii la aas aasay taas oo laga jooga haatan 62 sano, wuxuuna hambalyo ujeediyay Sarreeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, dableyda iyo Jadiidka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Boqorka Dalka Sucuudiga Oo La Dhigay Isbitaalka Ku Yaalada Magaalada Jida Iyo Xaalada Boqor Salmaan

Deg Deg:- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ayaa Ku Dhawaaqaya Cida Bari Shirgudoominaysa Kulanka Golaha Wakiilada ” Gudoomiye Baashe

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Dowlada Fadaraalka Somaliya Ku Eedeeyay In Ay Masuqmaasuqday Hab Qaysigaa Xajka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More