Badda Loo Xukmiyay Soomaaliya Oo Ay Kenya Wali Ka Kalluumeysaneyso

Lix bilood ayaa laga joogaa markii ay Maxkamadda Cadaalladda Adduunka xukuntay dacwadii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, go’aankaas oo inta badan aagga lagu muransanaa u xukumay Soomaaliya.

Aggaas oo ka tirsan badweynta Hindiya ayaa la rumaysan yahay inuu leeyahay shidaal iyo gaas, sidoo kalena waxa uu qani ku yahay noocyada kala duwan ee noolaha badda.

Kenya ayaa diidday inay u hoggaansato go’aanka Maxkamadda, iyadoo kalluumaysateeda, gaar ahaan kuwa Lamu ay weli ka jillaabtaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Abubakar Twalib oo kamid ah kalluumaysata Lamu, muddo 30 sano ah ku jiray hawshaas ayaa subax kasta u shaqo taga biyaha lagu mursan yahay, gaar ahaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Waxa uu kamid yahay tiro kalluumaysato reer Lamu ah oo wacad ku maray in aysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda, halka qaar kale ay ka baqeen tallaabada noocaas ah.

Ka hor inta uusan safarka u bixin, Abubakar ayaa weriyeyaasha tusay doonyo kalluumaysi oo camal la’aan ah, kuwaas oo diiday inay kalluumeystaan cabsi ay qabaan darteed halka kuwo ay si sharci dareo u kaluumeysanayaan.

“Dhammaantood waxay ka soo jilaabban jireen biyaha Soomaaliya, hadda waa shaqo la’aan oo kalluumaysata ma haystaan waxay ku maareeyaan noolal maalmeedkooda, muranka labada waddan awgii,” ayuu yiri Abubakar.

70% kalluunka lagu iibiyo jasiiradda Lamu ayaa laga keenaa aagga ay labada waddan isku hayaan ee badweynta Hindiya. Waxaa laga heelaa noocyada ugu qaalisan kalluunka, gaar ahaan aargoosatada.

Bbc Somalia

Related posts

Madaxwayne Farmaajo Ciidanka Waxa Uu Ukala Saaray Teamkeena Iyo Tuugada” Sanbaloolshe

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Shacabka Somaliyeed Oo Ka Aragti Dhiibtay Fashilkii Ku Yimid Shirkii Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More