Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta La Dhaarinayo

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada labada aqal ee dhawaan laga soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada iyo Muqdisho, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT.

Waxaa magaalada Muqdisho siweyn looga dareemayaa qaban-qaabada munaasabada dhaarta xildhibaannada, waxaana guddiga baarlamaanka uu ku howlanaa diyaarinta munaasabadan iyo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka cusub.

Sida uu qorshuhu yahay maanta ayaa waxaa la dhaarinayaa ku dhawaad ee ilaa 283 Xildhibaan oo isugu jira labada abqal ee baarlamaanka 11-aad eeSoomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga goobta lagu qabanayo munaasabada dhaarta oo ah Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Fadhiga koowaad ee Baarlamaanka ayaa lagu dooranayaa guddoomiye KMG ah, iyadoo ninka ugu da’da weyn uu noqonayo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka cusub ee 11-aad.

Sidoo kale waxaa la magacaabi doona guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kuwaas oo iclaamin doona xilliga ay dhaceyso doorashada.

Related posts

Xukuumada Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saartay Halka Ay Ku Dambeeyeen Wada Hadaladii Somaliya Iyo Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Cumar Finish Oo Afka Furtay Si Adagna U Karbaashay Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar loo adeegsaday Tooray oo ka dhacay Faransiiska Iyo Khasaaraha Ka Dhacay oo la Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More