Daadad Xoogan Oo waxyeello Ka Geystay Qaar Ka Mid Gobollada Koonfur Afrika

Waxaa dalka Koonfur Afrika ka socda howlo samatabixin ah oo lagu badbaadinayo nolosha tobanaan qof oo lagu la’yahay daadad ka dhacay gobolka KwaZulu-Natal.

Iyadoo roob badan uu jguud ahaanba ka curtay gobolkaas, kooxaha gurmadka ayaa la kulmaya khatar dheeraad ah siiba marka ay raadinayaan kuwa badbaaday.

“Gurigeygu wuxuu ahaa halkan, waxaana uu u jiray lix ama toddoba mitir webiga, marka waxaan u malaynayay inaan nabad qabo,” ayuu yidhi Hero Cangcatha, isagoo farta ku fiiqay burburka halkii mar ahaan jirtay gurigiisa Durban.

“Waan murugooday sababtoo ah ma garanayo waxaan sameeyo, ma garanayo meel aan aado”. Hero waxa uu ka mid yahay ilaa 40,000 oo qof oo ay saameeyeen daadadka.

Saraakiisha ayaa sheegay in 13,500 oo guri ay waxyeelo soo gaartay, taasoo keentay in qaar badan oo ka mid ah ay guryo la’aan noqdaan hoy, cunto iyo biyo.

Related posts

Fanaanad Caan Ahayd Oo Maanta Ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

“Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Wuxuu Nagu Yidhi Waxba Idiin Ma Hayno Ee Tashada”Faysal Cali Waraabe’

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Shariif Oo Sheegay Inay Dhex-Dhexaadinayaan Raysal Wasaare Rooble Iyo Laftagareen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More