Maxkamada Gobolka Togdheer Oo La Horkeenay Ninkii Ku Eedaysnaa Dilka Ugbaad Cali

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee  ayaa waxaa saaka waxaa la horgeeyay Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal isugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka Magaaladaasi
Markii lasoo Gaba-gabeeyo kiiska eedeysaha ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Togdheer ay Go’aan rasmi ah ka gaadho kiiska Ninkaas, waxaana Madaxweynaha Somaliland uu horey u sheegay in si Deg deg ah loo fulin doono xukunka Maxkamadda.

Allaha u naxariistee Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, waxaana la sheegay in Ninka eedeysanahay uu u geystay fal isugu jiray kufsi iyo Dil, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada.

Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga Burco.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Cagta Mariyay Fadhiisimo Ay Alshabaab Ku Lahayd Gobolka Gado

Bnnstaff Bnnstaff

Kulan Xasaasiya Oo Dhex Maray 8da Dowladeed Ee Lagaga Hadlo Afka Turkiga Iyo Ujeedada Kulankaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda China.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More