Toos: Maxkamada Sare Ee Somaliya Oo Bilawday Dhegaysiga Dacwada Uu Soo Gudbiyay Fahad Yaasiin

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa bilowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi xildhibaan oo horey ugu guuleystay doorasho ka dhacday Beledweyne.

Dooda Maxkamadda oo hadda socota ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay ku doodayaan in Maxkamaddu aanay xaq u lahayn qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xalinayo haddii murano ay ka yimaadeen doorashada.

Dhinaca kale qareenka u doodaya Fahad Yaasiin ayaa ku adkeysanaya in dooda xafiiska Qareenka Guud sharciyad ay dacwadda ku hor’istaagto aanay haysan sidaa daraadeedna ay Maxkamaddu qaado horey u wado qaadista kiiska.

Inkastoo ay wali socota dooda Maxkamadda, haddana lagama filayo isla maantaba ay xukun rido.

Related posts

Xildhibaan Jeesoow “Baarlamaanka maanta Waa Dagan Yahay Xaaladiisa Caadi Waaye,Ajando Qarsoon Majiro”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Shaybaadhka Hubinta Biyaha Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Borama Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlada Degaanka Mustage Cagjar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More