Borama News Network

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaartayn oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda & Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada & Shacabka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in tababarrada ciidamada Dowladda Federaalka ay bixinayso ay ku arkeen Dhallinyaro heegan u ah kana go’an in ay difaacaan Dalkooda si lamid ah halyeeyadii ka shaqeeyay halgankii xorriyadda Dalka.

“Halgankaan qiimaha badan ay ciidamadu ku jiraan oo ay qayb ka yihiin ciidanka Daraawiishta iyo Macawiislayda waa in la difaaca Diinta, Sharafka & karamkooda, Dad badan ayaa u dhintay halgankaan waxaa nalaga rabaa inta uu qof naga nool yahay in aan xaqiijiyo hadafkaas” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa dib u abaabulka howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee horay uga billowday Gobollada Dalka balse maalmihii lasoo dhaafay hakad kooban uu galay waana tan keentay in Dad badan Su’aalo ka keenaan.

Related posts

Warbaahinta Magaalada Hargeysa Oo Go’aamo Adag Ka Qaadanaya Wada Shaqaynta Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqday halkii lagu halaagay reer Thamuud

Abdiaziz Bnnstaff

Dib Dambe U Heshiin Maynee Halkaas Aynu Kala Joogno Waxbaa Baalaha Iga Yaacay Dambena Yaan La Idinka Maqlin” Garaad Jaamac Garaad Cali

Abdiaziz Bnnstaff