Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubbaland Oo Gaaray Magaalada Ceelwaaq Iyo Ujeedkiisa

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo safarka ku wehlinayeen xubno ka tirsan labada Golle ee Jubbaland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah Maamulka degmada iyo Guddiga doorashooyinka Jubbaland.
Ujeedka Safarka Mdaxwayne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ee Magaalada Ceelwaaq ayaa waxaa uu yahay sidii uu Maanta u soo xiri lahaa doorashadii ka socota deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo shalay bilaabatay.

Maxamuud Sayyid ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada kuraasta ugu dambeeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Jubbaland, taasi oo ka socota degmada Ceelwaaq oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Maamulka.

Shalay ayey aheyd markii ay doorashada 16-kursi Golaha Shacabka ka bilaabatay Ceelwaaq, waxaana halkaas lagu doortay 11 Xildhibaan, halka kuwo kalena Maanta oo sabti ah lagu dooran doono Magaaladaas, lana soo gaba-gabeynayo doorashada.

Related posts

Kaftanka Siyaasada Oo Lagu Soo Bandhigay Rag Caan Ah Oo Ay Somaliya Ka Deji La’dahay Iyo Cida Ay Yihiin

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya Iyo dad Isticmaalayay

Bnnstaff Bnnstaff

Tanzania Oo Diyaarado Dheeraad Ah U Direysa Daminta Dabka Ka Kacay Buurta Ugu Dheer Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More