Maxay Tahay Doorashada Ka Socota Magaalada Garbahaarey?

Magaalada Garbahaarey waxa maanta ka socota doorasho lagu sheegay mid lagu dooranayo kuraas dhan 16 kursi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay maamulka Jubaland.

Kuraastan ayaa lagu doortay magaalada Ceelwaaq iyadoo ay ansixiyeen gudiyada heer federaal iyo heer maamul goboleed, waxaana soo dhaweeyay maamulka Jubaland.

Doorashada cusub ee Garbahaarey ayay daba ka riixaysaa Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo oo doorashada Ceelwaaq ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Gudida doorashada ayaa sababo amni dartood doorashada ugu qabtay Ceelwaaq iyagoo kasoo wareejiyay Garbahaarey, balse Farmaajo oo kasoo jeeda deegaanka ayaa diiday.

Related posts

Madaxweyne Saciid Deni Oo Magacaabay Garsoorka Maxkamadda Sare Ee Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Ingiriiska Iyo Soomaaliya Oo Ka Wadahadlay Arimo Ku Saabsan Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Gaabsaday Su’aalo Ay Maanta Warbaahuntu Waydiisay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More