Boqorka Sacuudiga Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron dib u doorashadiisa, Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa werisay subaxnimadii Isniinta.
Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa hambalyada ugu wanagsan u diray Madaxweynaha iyo shacabka Faransiiska kadib doorashadii Axadii.
Macron ayaa horey madaxda Sacuudiga ugala shaqeeyay sidii ay isaga kaashan lahaayeen xalinta dhibaatada dhaqaale ee Lubnaan.
Waxa uu booqday Boqortooyada iyada oo qayb ka ah socdaal uu ku marayo Khaliijka bishii Disembar, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee reer galbeedka ah oo taga tan iyo 2018.
Macron waxa uu guul Kaga adkaaday haweenaydii la tartamaysay ee Marine Le Pen Axadii, isaga oo ka fogaanaya waxa ay noqon lahayd qalqal weyn oo dhanka siyaasadda ah haddii uu guulaysan lahaa ninka ka soo horjeeda ee midigta fog.
Dhexdhexaadiyaha Macron ayaa ku guuleystey ku dhawaad 57 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, sida ay muujineyso tirooyinka bilowga ah.
Khudbadiisii guusha waxa uu ku qiray in qaar badan ay si fudud ugu codeeyeen inuu ka ilaaliyo kuwa midigta fog ee xukunka.
“Qaar badan oo dalkan ah ayaa ii codeeyay sababtoo ah waxay taageersan yihiin fikradayda laakiin inaan ka ilaaliyo kuwa midigta fog. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo oo aan ogaado inaan deyn ku leeyahay sanadaha soo socda,” ayuu yidhi.
“Ma jiro qof ku sugan Faransiiska oo looga tagi doono waddada dhinaceeda,” ayuu ku yidhi farriin ay horay u faafiyeen wasiirro sare oo wareegyada ka sameynaya TV-yada Faransiiska.
Laba sano oo carqalad ah masiibada iyo kor u kaca qiimaha tamarta ee uu uga sii daray dagaalka Ukraine ayaa arrimaha dhaqaalaha u horseeday ololaha. Sare u kaca maciishada ayaa noqdey mid sii kordheysa oo ay la kulmaan dadka danyarta ah ee dalka ku nool.