Hadal Hayn Ka Dhalatay Hambalyo Uu Madaxwayne Farmaajo Udiray Madaxwaynaha Faransiiska

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyanaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, oo ku guuleystay shan sano oo dheeri ah ka dib markii uu tartan aad la isugu dhawaa uga guuleystay haweeneydii uu culayska wayn kala kulmay ee Marine Le Pen.

Hadal hayn badan oo baraha bulshada Soomaalida ah ayaa ka dhalatay qoraalka uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ku qornaa luuqadda Faransiiska.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Faransiiska ayaa isku mid ka ah doorashada xasaasiga ah ee ay wajahayeen, mid walbana waxa uu doonayay in mar kale xafiiska uu kusoo laabto, taasi oo qudheeda qayb ka ah hadal haynta Soomaalida. 20-kii sano ee lasoo dhaafay doorashooyinkii ka dhacay dalka Faransiiska markii ugu horraysay ayaa dib loogu soo doortay madaxweynaha xilka hayay.

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In La Buuxiyay Biyo Xidheenka Wayn Ee Wabiga Nile Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Mucaaridku Shaydaan Ayay U Mahad Naqeen Lakiin Anaga Allaahay Ayaan U Mahadnaqaynaa” Afhayeenka Xisbiga Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Muuse Biixi Ku Eedeeyay Shilalka Gaadiidka Oo Xoog U Batay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More