Xukuumadda Oo Ka Hadashay Qaraxa Lagu Dhaawacay Sarkaalka Katirsan Ciidamada Millateriga

Kadib markii Maanta barqadii qarax Miino lagu dhaawacay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan Ciidamada Millateriga oo lagu Magacaabo General Maxamed Xaashi ayaa waxaa ka hadashay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay General Maxamed Xaashi oo qaraxa ku dhaawacmay, sidoo kalena uu u tacsiyadeeyay laba amid ah ilaaladiisa oo qaraxa ku dhaawacmay.
Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in General Maxamed Xaashi uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Afhayeenka Xukuumadda Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya.

 

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Wariyaaashii Ku Xidhinaa Magaalada Hargeysa Oo La Sii Dayay Iyo Kuwa Aan La Siidayn

Bnnstaff Bnnstaff

Sarkaal Loo Soo Xidhay Afgembigii Fashilmay Ee Dlka Sudan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Guddiyada Doorashada Galmudug Iyo Gobolada Woqooyi Ee Somaliland Oo Shaaciyay Jadwalo Doorasho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More