Baadhitaano Ka Bilaabmay Magaalooyinka Somaliland Iyo Cabsi Jirta

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Somaliland ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayay Ammaanka.

Dadka kunool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan wadooyin ay xireen.

Ciidanka ayaa sidoo kale dadka qaar weydiinaya aqoonsiga iyo sidoo kale cida ka damiinta ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan qatar ah oo amni oo ay ogaadeen sirdoonka Somaliland oo sheegayay in weeraro ka dhici karaan Magaalooyinkaasi.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.

Related posts

Dowlada Somaliya Iyo Uk Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Doorashooyinka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda UK Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Lacag Loogu Talagalay Dadka Ay Abaarahu Saameeyeen.

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyah Haayadda Culimada Somaliya Oo Soo Bandhigay Qodobo Uu Sheegay In Ay Sabab U Noqon Karto Soo Afjarida Alshabab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More