Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Maanta Ma Dhici Kartaa?

Iyadoo maanta loo madlan yahay in guddoonka Golaha Shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni ayaa waxa tan iyo xalay soo baxay arrimo dhowr ah oo caqabad ku noqon karo doorashadaas.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa iska mari la’ cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya.
Dhanka kale, xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashada golaha shacabka ayaa sheegay in aanay teendhada tegi karin xildhibaannada laga soo doortay labada degmo ee Gedo, xilli gudoomiyaha guddigaas uu ku adkeysanayo in xubnaha aanay xaq u lahayn inay go’aan ka gaaraan xildhibaannada ka qaybgalaya doorashada iyo kuwa aan ka qaybgalayn.

Xaalad hubaanti la’aan ah ayaa weli ka taagan qabsoomidda doorashada guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka oo qorsheysneyd in maanta lagu qabto hangarka garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee Afisyoone kadib khilaafka ka dhashay xubnaha laga soo doortay gobolka Gedo uu harreeyay xildhibanaada Golaha Shacabka.

Waxaana khilaafkan siyaasabo kala duwan uga hadlay hay’adaha sare ee dowladda, arrimaha amniga ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha horseedaya in doorashadaas aysan suurtagal aheyn in maanta ay dhacdo.

 

.

Related posts

Soomaali ka gadoodsan go’aan laga gaaray kiiska gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay Canada

Ninka labaad ee ugu cad cad doorashada Turkiga oo sheegay in Ruushku ka faafinayo muuqaallo

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Musanbiik Oo Shaqadii Ka Eryay Taliyayaashii Ciidamada Milatariga Iyo Booliska Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More