Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In Si Nabdoon Loo Dhameystiro Doorashada Guddoonka Baarlamaanka

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, iyaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo dhameystiro doorashoooyinka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare ee shalay qabsoontay, waxaana loogu baaqay Madaxda dowladda inay isku tanaasulaan oo khilaafkooda xaliyaan.

Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Qoraalkaan kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya xilli wlei caqabado ay hortaagan yihiin doorashooyinka, taas oo ka dhalatay doorashadii isbarbar socotay ee ka dhacday Gobolka Gedo.

Related posts

General Odawaa Yuusuf Raage “lagama Yaabo In Alshabaab Dib Ugu Soo Laabato Dhulkii Aan Ka Xoreynay”

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Gudiga Madax Banaan Ee Dib U Eegista Dastuurka

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Puntland Oo Ka Soo Horjeestay Shaqa Joojin Ay Maxakada Sare Ku Samaysay Xubin Ka Tirsan Gudiga Doorashooyinka Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More