Dad Muslimiin Ah Oo Lagu Laayay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya

20 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Muslimiita ee gobolkaasi.

Rabshadaha ayaan la xiriira colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kuwaas oo qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020 kuna faafay gobollada Axmaarada iyo Canfarta sannadkii hore.
“Dhacdadu waxay dhacday shalay markii Muslimiintu ay u socdeen inay aasaan shakhsi,” ayuu yiri Seid Muhammed, oo ah madaxa Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Amxaarada, oo Arbacadii la hadlay Reuters.

Seid waxa uu sheegay in ragga hubaysan ay walxaha qarxa ku tureen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku sugnaa magaalada Gonder, halkaas oo ay ku dileen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhibanayaasha kale ayaa ku dhintay iska horimaadyada xigay.

Related posts

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Soo Jeediyay In Gobolkastab Madaxwayne Yeesho

Bnnstaff Bnnstaff

Weeraro Lagu Qaaday Magaalada Kismaayo Iyo FaahfaahiNO Dheeraada Oo Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne farmaajo Oo Saxiisay Sharciga Miisaaniyada Dowlada Somaliya Ee 2021

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More