Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Degmada Yaaqshiid ku dilay Cismaan Maxamuud Cabdi oo ahaa Guddoomiyaha laanta Dalxiis ee degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle ha u naxariistee Cismaan Maxamuud Cabdi ayaa sidoo kale ahaa Sarkaal ka tirsan Guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska degmada Yaaqshid ayaa sameeyay howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka mana jirto cid ilaa hadda lagu soo qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhay falal amni daro, waxaana lagu dilay dad bulshada laga dhex yaqaanay.

Related posts

Warbixin Xiiso Leh :- Dhalinyarada Guurdoonka Ah Oo La Barayo Qaabka Loo Xusho Lamaanaha

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Weeraray Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka Dowladda

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Sucuudiga Oo Xabsiga Dhigtay Muwaadin Maraykan Ah Xili Aanu Wanaagsanay Xidhiidhka Maraykanka Iyo Sucuudigu

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More