Haweenay Ay Lugi Ka Go’antahay Oo Dhigtay Rikoodh Cusub Oo Dhanka Orodka Ah

Haweeney bilowday inay oroddo kaddib markii ay lugteeda ku waysay cudurka Kansarka ayaa waxa ay ka gudubtay rikoorka maaradoonnada xiriirka ah ee ugu badan ee ka diiwaangashan Guinness World Record.

Jacky Hunt-Broersma, oo 46-jir ah, ayaa maalinkasta ordaysay 26.2-mayl tan iyo bartamihii bishii Janaayo, iyadoo caadiyan ku orodda qiyaastii 5 saacadood.

Sabtidii, waxa ay soo afjartay orodkeedii isxigxigay ee 104-aad – guushaas oo ay filayso inuu meelmariyo Guinness World Records.

Afhayeen u hadlay haweenkaasi ayaa sheegay in la meelmariyo rikoorkan ay suuragal tahay inay qaadato ku dhawaad saddex bilood.

Markii ay soo kacday Axaddii – oo aheyd maalin ay fasax aheyd muddo dheer oo shaqo ah kaddib – ayey Jacky ka warrantay waxa ay soo martay.

“Qeyb ka mid ah jirkayga aad ayuu ugu faraxsanaa inaan dhammaystiray orodka,” ayey u sheegtay BBCda iyadoo ku sugan gurigeeda ku yaal gobolka Arizona. “Qeybta kale ee jirkayga ayaan ka dareemayay inaan sii wado orodka.”

Jirkeeda ayaa sidoo kale ka soo kabsanaya tacabkii ay ka martay dedaalkii ay ku bixisay rikoorka ay doonaysay inay dhigto, walow ay haatan joojisay si waddida orodkaas. “Waxaan dareemayaa caafimaad taam ah oo ka wanaagsan kii 104-ta maalmood ee aan waday orodka,” ayey qirtay.

Hasayeeshee Jacky – oo ku dhalatay kuna soo kortay Koonfur Afrika, sidoo kalana ku noolaan jirtay England iyo Netherlands ayaa aad ugu faraxsan heerka ay gaartay, sababtoo ah orodka ayaa waxa ay ka heshay kalsooni ay ka cabsanaysay in aanay weligeed dib u heli doonin.
2002, dhakhaatiir ku sugan waddanka Netherlands ayaa waxa ay haweenaydaasi ka heleen nooca kansarka ee Ewing’s sarcoma oo ah nooc dhif iyo naadir ah oo ku dhaca lafaha.

Laba todobaad gudaheed lugta bidixe ayaa laga jaray si nafteeda loo badbaadiyo. Markaas waxa ay jirtay 26 sanadood. Waxa ay xasuusataa in “Waxwalba ay si degdeg ah ku dhaceen.”

Sanadihii ugu horreeyay, Jacky ayaa la daalaa dhacday isbadelka ku yimid nolosheeda. Waxa ay aad uga caraysnayd in kansar uu ku dhacay oo waxa ay isku liidaysay in dadka ay ka duwan tahay. Saraawiil dhaadheer ayey ku xiran jiray fagaaraha ay dadka isugu yimaadaan si aanan loo fahmin waxa ka maqan. Muddo dheer kaddibse waxa ay 2016 bilowday inay oroddo.

Ninkeeda ayey taageeri jirtay markii uu ka qeybqaadanayo orodada dhaadheer hasayeeshee marnaba maankeeda maysan gelin inay iyadu oroddo, iyadoo moodi jirtay in arrintaas ay “samayn karaan dadka dhibka badan”.

Kaddib waxa ay soo gadatay qalabka ay ku ordaan dadka lugaha la’, oo waxa ay markii ugu horraysay iska diiwaangelisay 10K (6.2 mayl) inay oroddo

Markii uu tartanka soo dhawaaday waxa ay u badalatay inay orodo maradoonka gaaban, wixii markaasi ka dambeeyayna dib ma aanay soo fiirin, iyadoo hadba kor u sii wadday dedaalkeeda.

“Aniga waxa aan faraha u qaado waa inaan sugaa, qaabkaas ayaanba u baxay,” ayey tiri. “Waxaan jeclahay inaan ka gudbo xuduudaha oo aan bal arko heerka aan gaari karo.”
Bilowgii sanadkan, Jacky ayaa waxa ay dhigatay yool cusub: rikoorka maaradoonnada ugu badan ee xiriirka ah. Rikoorka orodka haweenka u yaal ayaa ah 95 – waxaana dhigtay Alyssa Amos Clark, oo ka soo jeedda deegaanka Vermont, taas oo lugaheeda qabta, iyadoo rikoorkaasi ay dhigtay waagii cudurka safmarka ah uu jiray si ay xaaladdaas uga gudubto.

Midka ragga ayaa waxaa haysta Enzo Caporaso oo u dhashay waddanka Talyaaniga kaas oo orday 59 maalmood oo xiriir ah – walow Ricardo Abad oo u dhashay Spain la sheegay inuu orday 607 maaradoon oo xiriir ah, kaas oo uu dhammaystiray 2012.
Marka Jacky – oo ah hooyo dhashay laba carruur ah ayaa bilowday orodka iyadoo maanka ku haysa rikoorka, iyadoo xaqiijinaysay inay marwalba orodo masaafada maraadoonka.

Jacky ayaa orodkeeda ayaa waxa ay ku diiwaangelin jirtay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, ayaa waxaa layaab laheyd in aanay dhaawacmin intii ay orodka wadday. Dhab ahaantii Jacky ayaa haatan ku taamaysa in orodka ay xilli hore bilaabi laheyd.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Oo Qarka u Saaran In Lagu Kala Kaco

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Axmed Xuseen Sayre Oo Xafiis Looga Ololaynayo Ka Furtay Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Sheegay In Uu Helay Xog Cusub Oo Ku Aadan Duulaanka Ruushka Ee Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More