Borama News Network

Waa kuwee dalalka Islaamka ee walaaca ka muujiyey weerarkii Iiraan ay ku qaadday Israa’iil?

Caalamka ayaa wali isha ku haya jawaabta Israa’iil ay ka bixin doonto weerarkii Iiraan ku qaadday dalkaasi kaas oo noqday kii ugu horreeyey ee toos ah ee ay ku qaaddo Israa’iil.

Waxaa sidoo kale wali sii kordhaya dalabaadka iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan xakameynta, iyadoo laga cabsi qabo iskahor imaad militari ee ka dhaca Bariga Dhexe.

Inta badan waddamada dunida ayaa cambaareeyey weerarka iyagoo kuwa xulufada la ah Israaiil ee Maraykanku waayeelka u yahay ay hadda ka arrinsanayaan sidii Iiraan loogu soo rogi lahaa cunaqabatayno dheeri ah.

Midowga Yurub ayaa isku diyaarinaya sidii uu UK iyo Maraykanka ugula biiri lahaa mowjado cunaqatayna oo jawaab looga dhigayo weerarkii Tehran ku qaadday Israa’iil.

Masar

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa muujisay “walaaca qotoda dheer” ee ku aaddan kor u kaca dagaalka waxayna ku baaqday “xakamaynta ugu badan”.

Bayaanka ayaa sidoo kale ka digay “khatarta ballaarinta gobolka ee iskahorimaadka”, waxayna intaas ku dartay Masar ay “si toos ah ula xiriiri doonto dhammaan dhinacyada isku haya si ay isugu dayaan inay xakameeyaan xaaladda”.

Jordan

Ra’iisul Wasaare Bisher Khasawneh ayaa sheegay in xaalad kasta oo ka soo cusboonaatay gobolka ay horseedi doonto “wadooyin khatar ah” wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo xiisadda dhammaan dhinacyada.

Hadal uu u jeediyay golaha wasiirada, ayuu Khasawneh ku sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka hortagi doonaan isku day kasta oo ay sameeyaan dhinac kasta oo isku dayaya in uu khatar geliyo ammaanka boqortooyada.

Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, gaar ahaan weerarkii Iiran ay ku qaaday Israa’iil.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa laģu sheegay inay si adag ugu baaqayso dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan.

Malaysia

Raii’sul wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa weerarka Iran ku tilmaamay “natiijadii ka dhalatay dawladda Israa’iil oo jabisay shuruucda caalamiga ah” iyadoo duqaysay qunsuliyadda Iran 1-dii Abriil.

Waxa uu sheegay in rabshadaha u dhexeeya labada gobol ee iska soo horjeeda aysan u wanaagsanayn “dhaqaalaha adduunka iyo nabadda,” Daily Mail ee maxalliga ah ee Ingiriiska ayaa werisay.

“Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo bilowday ka dib markii xukuumadda Sahyuuniyadda Israel ay weerartay safaaradda Iran, taas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah, waa natiijada ficilka qofka. Markaad jebiso sharciga waxaad ku martiqaadaysaa falcelin

Pakistan

Tani waxay muujinayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta burburka dublamaasiyadda,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ku tiri hadal ay soo saartay.

Muddo bilo ah, ayay raacisay, Pakistan waxay hoosta ka xariiqday lama huraanka dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo ballaarinta colaadaha gobolka iyo xabbad-joojin laga sameeyo Qasa

“Hadda waa in xaaladda la dejiyo oo nabadda la soo celiyo. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan,” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Qatar

Waddamada Khaliijka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay joojiyaan xiisadda colaadeed, isla markaana ay is xakameeyaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayay ku muujisay “walaaca qotoda dheer ee ay ka qabto horumarka gobolka”.

Waxay ugu yeertay “dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisadda, kor u qaadaan xasilloonida oo ay muujiyaan xakamaynta ugu badan”.

Waxay ku boorisay “Beesha Caalamka inay qaado tallaabo degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda laguna qaboojinayo xaaladda gobolka”.

Sacuudi Carabiya

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa soo saartay bayaan ay ku muujineyso walaaca ay ka qabto “kordhinta militariga” waxayna ugu yeertay “dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan”.

Waxay sii waday inay ku booriso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”

Turkiga

Turkiga ma doonayo in xiisadda gobolka ay sii kororto ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada lagu weeraray Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa telefoonka kula hadlay y dhiggiisa Iiraan, ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Lama oga ilaa hadda jawaabta Israa’iil ay ka bixin doonto weerarkii Iiraan, iyadoo xiisadda gobolka wali kacsan tahay.

Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay inaysan faraha ka laaban doonin haddii lagu xadgudbo sida uu sheegay madaxweynaha Iiran Ibraahim Raisi.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Baarlamanka Soomaliya Horgeeyay Qorshe lagaga hortagayo Guurka Dad Badan Ku Sirmeen

Abdiaziz Bnnstaff

Sacuudiga Oo Soomaaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed.

Abdiaziz Bnnstaff

Ismaaciil Haniya: Dilka wiilasheyda ee Israa’iil waxba uma dhimeyso Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff