Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Axmed Karaash Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiiradii Ugu Muhiimsanaa Ee Puntland

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ayaa soo saaray Wareegto uu ku bedelay Wasiiradii ugu muhiimsanaa Puntland, sidoo kalena ahaa saaxiibada ugu dhow ee Madaxwrynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa lagu magacaabay Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, waxaana uu u dhignaa.

Xeer Kusime Madaxweyne Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Puntland ah

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland

2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland

3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash) kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ah mid sii kala fogeeyneysa isaga iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana Wasiirka Maaliyadda oo kamid ah Wasiirada xilka laga qaaday uu fulin waayay amar ahaa in uu xilalka u kala wareejiyo Agaasimihii Wasaaradda Maaliyadda ee uu Axmed Karaash xilka ka qaaday iyo mid cusub uu Magacaabay.

Related posts

“Xildhibaanadii kulmiye Kasoo Baxay Ee Mucaaridka U Yimid Hanjabaado Ayaa Ku Socda” Gudoomiye Cirro

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Al-shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

“Guddoomiye Xinif, Golaha Wakiiladu Waajibkiisa Ayuu Ka Gudanayaa” Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Mustafe Khayreeye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More