Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Cambaareeyey Weerarkii Alshabaab Ee Xerada Ceel-baraf

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” Sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud Stéphane Dujarric.

 

Warsaxaafadeedka ayaa intaas sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya. Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Related posts

20 Sanno In Xisbiyo Gaara Dadku U Xidhnaadan Maaha” Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Munaasib Lagu Shaacinayay Urur Siyaasadeed Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Wafti Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Soo Gaadhay Hargeysa Baaqdayna Suuqii Gubtay Ee Waaheen

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Muranka Ka Taagan Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More