Xilliga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Shaaciyey

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

Haddii guddiga uu dhaqan-geliyo jadwalkan, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si rasmi ah u shaacin inuu yahay musharax madaxweyne, inkasta oo aad loo rumeysan yahay inuu mar kale tartami doono kadib in ka badan 5 sano oo uu joogay xafiiska Villa Somalia.

Related posts

Maxkamada Sare Ee Dalka Itoobiya Oo Laashay Racfaanka Jawhar Maxamed Iyo Siyaasiyiin Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Halkay Maraysaa Xiisadii Siyaasadeed Ee Ka Dhex Taagnayd Dalalka Masar Iyo Turkiga?

Bnnstaff Bnnstaff

Hub Ay Yuhuudu Leedahaya Oo Loo Soo Waday Marinka Qaza Oo Qalibmay Daawo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More