Madaxwaynaha Ukraine Zelensky Oo Sharuud Adag Ku Xidhay Wadahadal Dhex Mara Ruushka

Kadib markii konton qof oo rayid ah ay u suurto gashay in laga saaro magaalada go’doonsan ee Mariupol Jimcihii, ayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, sheegay heshiis dhex mara iyaga iyo Ruushka uu shardi u yahay in marka hore ay ciidamada Ruushku ku noqdaan goobihii ay joogeen intaanay magaaladaa weerarin.

Volodymyr Zelensky oo la hadlayay xarun cilmi-baaris ah oo London ku taalla ayaa sheegay in taasi ay tahay waxa ugu yar ee waddankiisu aqbali karo.

Waxa uu sheegay in uu yahay hogaamiyaha “Ukraine,” balse ma uusan soo hadal qaadin Crimea oo uu Ruushka la wareegay sanadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa hadda dagaal ugu jira inuu si buuxda ula wareego magaalada Mariupol. Waxaa weli halkaas ku jira ciidamada Ukraine oo ay weheliyaan qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku sugan koonfur-bari ee birta weyn ee Azovstal.

Related posts

Madaxwaynaha Faransiiska Oo Ka Mid Noqday Madaxwaynayaal La Jabsaday Telefanadooda

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Bogaadiyay Doorashada Ka Dhacaysa Qaar Ka Mid Ah Deegaanada Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Ramaax Oo Si Wayn U Soo Dhaweeyay Furista Ururada Siyaasada Somaliland Fariina Diray Gudoomiye Xirsi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More