Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan Itoobiya Oo Lala Beegsaday Qaraxyo Khasaaro Dhaliyey

Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee Gobolka Baay, isla markaana waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka howlgalka ATMIS.

Inta la xaqiijiyay qaraxyada lala eegtay kolonyada Ciidamada ayaa waxaa ku dhintay laba Askari oo Itoobiyaan ah, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana qaraxyada oo ahaa miino ahaa ku qabsadeen Ciidamada inta u dhexeeysa Buurhakaba iyo Baydhabo.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyada khasaaraha dhaliyey ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Baay, isla markaana waxyeelo kasoo gaartay Ciidamo Itoobiyaan ah oo socdaalayay, kuwaasi oo markii dambe socdaalkooda horey usii watay,

Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale qaraxyo xoogan deegaano ka tirsan Gobolada dalka ugala eegteen kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM/ATMIS, waxaana xusid in dagaalo ay la galeen Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa inta badan qaraxyada miino iyo weerarada dhabba-galka ah ku qabsadaan, xiliyada ay socdaalka ku marayaan waddooyinka xiriiriya degmooyinka ay uga sugan yihiin Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed.

Related posts

Dood Xasaasiya : Maxaa Laga Dheefay Xisbiyada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Jigjiga

Bnnstaff Bnnstaff

Taliyaha Qaybta Ee Booliska Gobolka Banaadir Oo Shaaciyay In Uu Joojiyay Kulankii Baarlamaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More