Madaxwane Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha 10-Aad Ee Somaliya

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ayaa maalintii labaad Muqdisho gaar ahaan Xarunta Aqalka Sare ka wada bixinta shahaadada Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka, taasi oo shalay Guddiga bilaabeen.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 30 Musharax oo dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, isla markaana waxaa Guddiga ay Musharaxiinta siiyeen shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhawaaqay inuu mar kale yahay Musharax Madaxweyne ayaa Goor dhow qaatay shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay Maxamed Farmaajo, iyagoona siiyay shahaadada, kadib markii uu soo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta isa soo sharaxday, isagoona bixiyey lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 40,000 kun oo dollar.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay inay Magaalada Muqdisho ka dhacdo 15-ka bishaan May oo ku beegan maalinta Axadda ee todobaadka soo socda, waxaana socda olole doorasho oo xoog le.

 

Related posts

Gaashan Buurta NATO Oo Sheegtay In Finland Iyo Sweden Ay Ku Soo Biiri Karaan

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Kenya Oo Sheegay In Khatarta Argagixisado Hoos Uga Dhacday Dalkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Amaro Ku Soo Rogay P

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More