Barakac Ka Socda Degmooyin Ka Tirsan Galmudug Iyo Heegan La Geliyay Ciidamada

Waxaa xalay ilaa saaka barakac xoogan uu ka socdaa degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay sameeyeen Ciidamada xoogagga hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca eek u sugan degaanka Bohol.

Dad ku sugan labada degmo ayaa sheegay in barakaa uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen warar sheegaya in xoogaga Ahlusunna ay weerar kusoo yihiin labada degmo, waxaana dadka degaanka au u barakaceen degaano u dhow Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada ATMIS ayaa heegan sare ka galey Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la arkayaa askar aad u badan oo saacadihii u dambeeyay la dhoobey waddooyinka soo gala Magaalada iyo xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guraha dabaqadya ah ee magaalada dhuusamareeb iyo dhismayaasha kale ee ku yaala bartamaha Magaalada la saaray Ciidamo faarbadan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, iyada oo dadka kunool degmooyinka Guriceel iyo Magaalada Dhuusamareeb ay xilligaan cabsi xoogan dareemayaan.

Related posts

Ergooyin Ka Kala Socday Saylici Iyo Saajin Oo Kulan Ku Yeeshay Ee Muqdisho Iyo Kulankaasi Oo Fashil Ku Dhamaaday

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Sheegay In La Hor Istaagay In Ay Tegaan Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab Oo Lagu Maxkamadaynayo Gudaha Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More